Sports – (warsoor) – Zlatan Ibrahimovic ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda Paris Saint-Germain dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Ibrahimovic ayaa horaantii isbuucaan sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa, laakiin waxa uu xaqiijiyay inuu wadahadalo kula jiro kooxo kale.
Haatana 34 jirkaan reer Sweden ayaa bogiisa Facebook soo dhigay hadal uu ku xaqiijinayo inuu PSG isaga tagayo ka hor kulankooda ugu danbeeya sabtida ee xilli ciyaareedka horyaalka Faransiiska ee ay la ciyaarayaan kooxda Nantes.
Waxa uu qoray” “Ciyaarteyda ugu danbeysa ee Parc des Princes. Waxaan imid anigoo boqor ah, waxaana baxayaa anigoo halyeey ah.”
Ibrahimovic oo isbuucaan ay Forbes sheegtay inuu yahay ciyaaryahanka seddexaad ee dakhliga ugu badan uu soo galay ciyaartoyda kubada cagta ayaa ku biiray PSG sannadii 2012, waxaana uu sannadkaan ku guuleysatay horyaalkiisii afaraad ee Ligue 1.
Waxa uu ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isagoo dhaliyay 36 gool, laakiin Champions League ayay ku hungoobeen iyagoo ku haray gacmaha Manchester City wareegii sideeda.
Xigasho: laacib