”Yuusuf Garaad maxaa loo magacaabey”

Madaxwayne Farmaajo ayaa maanta u magacaabay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Iskaashatada Geeska Afrika, Badda-cas iyo Gacanka Cadmeed ee arrimaha ganacsigga, amnigga iyo siyaasadda.

Qorshahan la baxay Iskaashigga gacanka cadmeed iyo Badda-cas oo uu hindisey Ambasaddor Yibeletal Aemero, oo ah u qaybsanaha Itoobiya ee mashruucan , waxaa laggu ansixiyey shirkii 46 aad ee Golaha Wasiiradda IGad oo ka dhacay Adis ababa 27-Febuary 2019, kaasoo ujeedadiisu ahayd aasaaska ciidamo isku dhafa oo ilaaliya amaanka gacanka cadmeed, ciidamadaas oo ay hogaaminayso Itoobiya ujeedadoodana laggu sheegey difaaca amniga, ganacsigga iyo danaha iskaashatadan.

Qorshahan oo wadamadda isku raacsani u samaysteen ergooyin matala ayaa kulankii ugu dambeeyey oo ahaa kii 6aad ka dhacay Adis ababa 3-4 March , waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha iskaashatadan Yibeletal Aemero, Yuusuf Garaad ka hor, waxaa Iskaashatadan u matali jirey Farmaajo Belel Maxamed Cismaan oo ah gacan yaraha Farmaajo.

Dhinaca kale, Abuun-duulihii horre ee ciidamada Itoobiya, hadeerna ah Taliyaha guud ee ciidamadda Itoobiya Burhanu Jula ayaa saxaafadda u sheegey in cidamadii Badda ee Itoobiya ee la dhisayay oo ka kooban 6 guuto oo kala ah, 4 ciidamadda bada ah iyo 2 kuwa rabshadaha ka hortaga ihi ay diyaar u yihiin hawl-gal dhismahooduna dhamaadey.

Si kastaba ha ahaatee, Iskaashatadan oo horre Dawladda Somaliland horre uga soo saartay go’aan ayaa hadeerna loo baahan yahay in la diyaarsaddo siyaasad cad oo lagaga gaashaanto, iyadoo qorshayaashan oo weli qarsooni yihiin kuwo halis ku ah Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidda geeska Afrikaba.