Xukuumadda Somaliland oo soo Bandhigtay Waxtarka Siyaasadeed ee ay ka Faa’iidayso Xidhiidhkeeda Taiwan

Hargeysa – (warsoor) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa shaaciyey in xidhiidhka ay yeesheen dalalka Somaliland iyo Taiwan uu noqon doono mid adag oo labada dalba  ugu jirto masaalix wadajir ahi.

Wasiir Ku-xigeenka Khaarajigu wuxuu sidaas ku faahfaahiyey waraysi dheer oo uu siiyey Wargeyska Taiwan Times oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu kaga hadlay marxaladihii uu soo maray iskaashiga labada dal u bilaabmay iyo faa’iidooyinka Somaliland ugu jira iskaashiga  ay la yeelatay Taiwan.

Waraysigaasi oo aad u dheeraa waxa uu su’aalihii la weydiiyey Wasiir Ku-xigeenka ka mid ahaa:

 Cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan waxaa laga war helay uun saddex toddobaad ka hor ee sidee ayuu ku bilaabmay?

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan wuxuu bilaabmay muddo hore, waxaanu soo maray marxalado kala duwan. Wuxuu ku bilowday Arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada. Mana ay jirin kullamo rasmi ah oo ay yeesheen  madaxda labada dal.

Waxaan kula kulmay Magaalada Brussels  Safiirka Taiwan u fadhiya  dalka Belgium sannadkii 2018kii, waxa  aanu kulankaas ku falanqeynay meelaha aanu iska kaashan karno mustaqbalka. Waxa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sii xoogaystay dabayaaqadii sannadkii 2019kii xilligaas oo wefti ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan uu booqasho ku yimid Hargeysa, si uu u bilaabo wadahadalka cilaaqaada  labada dal.