Laascaanood – (warsoor) – Maayirka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ka warbixiyey mashaariic kala duwan oo ay dawladda hoose ee degmada Laascaanood ay sannadkan gudihiisa ka hirgelinayso magaaladda Laascaanood gudaheeda.
Mashaariicdan uu maayirku ka warbixiyey ayuu sheegay in ay ugu horeeyaan mashruuca JPLG oo loo bedelay la dagaalanka xanuunka COVID-19, dhismaha Saylada Xoolaha ee Laascaanood, Dugsiga Farsamada Gacanta ee Haweenka , xarunta dhiraynta ee degmada Laascaanood iyo mashaariic kale.
Waxa uu Maayir Cabdicasiis Xuseen Taarwale sheegay in hadda ay bilaabmeen oo ay socdaan mashaariicda dugsiga Kuwaytiga iyo sidoo kalena mashaariic caafimaad oo laga samaynaayo Mashruuca JPLG qaybtiisa loogu talo galay la dagaalanka COVID-19 , waxa uu sidoo kale Maayirku sheegay in ay dhowaan bilaabmi doonaan dhismeyaasha dugsiyo ku jira mashruuca JPLG .
Mashaariicdan ayuu ka mid noqon doonaa godka Khashinka oo dhowaan isna ay yeelanayso magaaladda Laascaanood, waxaanu sheegay maayirku in godkaasi ka koobnaan doono afar qaybood oo laba kamid ahi noqon doonaan kuwo lagu shubo xashiishka, halka labada kalena lagu shubi doono waxyaalaha dareereyaasha ah.
Waxa uu Maayirku sheegay in ay qorsheynayaan sidii ay magaaladda Laascaanood uga horumari lahayd dhinacyadda arrimaha Bulshadda, sida Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashadaba.