Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) ayaa maanta shir jaraayid oo uu ku qabtay xafiiskiisa faahfaahin kaga bixiyey imaatinka xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo maalintii shalay dalka soo gaadhay kaasi oo la kulmay wasiirka gaashaandhiga, madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale oo ka mid ah Xukuumada.
Wasiirka ayaa ka warbixiyey imaatinka Xoghayaha kaasi oo ku sheegay in ay tahay guul Somaliland u soo hoyatay oo ay tahay in aad loo soo dhaweeyo in markii ugu horaysay uu dalka imaado masuul meeqaam kaas leh oo ka socda dawlada Ingriiska waxaanu sheegay in ka xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka shaqaynaysa horumarka Somaliland.
Waxaana Hadaladisii ka mid ah(‘’Waxaynu
u balan sanayn in aan ka war bixiyo booqashadii shalay ee xoghayaha difaaca
dawlada Ingriiska,waxa uu nagu soo booqday Somaliland waxay ahayd booqasho kaas
u ah Somaliland oo taariikh ah, booqashadaa Xoghayuhu waxay muujinaysaa
muhiimada iyo danaynta ay dawlada Ingriisku Somaliland u hayaan,’’)Ayuu
yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar).

Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay wax yaabaha ugu muhiimsan
ee ay ka wada hadleen kaasi oo ku sheegay in la xoojiyo wada shaqaynta labada
dawladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha amaanka ee mandaqada ee uu
taageerada weyn ka gaysto dawlada Ingriisku waxaana mar labaad hadaladisii ka
mid ahaa(‘’Imaatinka Xoghayuhu waxay ka
turjumaysaa kow (1) sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo
Ingriiska, arimaha amniga ee gobolka oo baryihii u danbeeyey isbadalada aad la socotaan ka dhacayeen iyo
joogtaynta cilaaqaadka labada dal, khaasatan ka wasaarad ahaan wakhti badan
ayaanu wada qaadanay wax yaabo badan oo muhiim ah ayaanu ka wada hadalnay’’)
Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).
Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo dalka shalay imid ayaa ah masuulkii ugu
ugu cuslaa ee abid soo gaadha dawlada Somaliland kaasi oo ka tur jumaya xaalka
iyo horumarka Somaliland ay mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsanaysay.