Hargeysa – (warsoor) – Xukuumada Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey bilowday inay Guriyihiiku qabsato agoontii ay ka tageen haldoorkii iyo masuuliyiintii bud-dhiga ka ahaa Qaranka Somaliland ayaa waxa sidoo kale ay maalmahanba Xidhnaa Sheekhul Baladka Magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyo Walalkii Khaliil Sheekh Ibraahim oo uu dhalay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Guurtida Somaliland oo Ummaddu wadda ogtahay qiimahiisa iyo abaalka uu qaranka usoo galay iyo sidoo kale doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa Halgankii hubaysnaa ee dalkan lagu Xoraynaayey.
Xukuumada Somaliland ee waqtigeedii dhamaaday oo maalamahan ugu danbeeyey boobkii ugu cuslaa usoo gaashaamatay ayaa waxa ay Masuuliyiin Xil ka haya Xukuumada soo siisay Guri ku yaala shacabka oo Madaxweyne Riyaale Digreeto ku siiyey Gudoomiyihii Guurtida Sh.Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar kaasi oo ilaa waqtigaas qoyskani sharciyadiisa haystay isla markaasina si rasmiya mulkiyadiisu ugu wareegtay Qoyskan sharafta iyo Ixtiraamka weyn ka mudan Qaranka Somaliland.

Isku soo wada duuboo subaxa bari ayaa waxa la filayaa mudaharaad balaadhan oo dadweynaha Caasimada Hargeysa kaga jawaabaan arintan oo la filaayo inuu ka dhaco Saldhiga Booliska ee Ibraahim Koodbuur oo uu ku xidhan yahay mudo lix habeen ah Sheekhul Baladka magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar (Sh.Faxiye) oo ay xadhigiisa bulshada reer Hargeysa si weyn uga gadoodeen.