Xubno xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan oo kormeeray hannaanka ay is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu uga socoto degmada Daarasalaam


Daarasalaam – (Warsoor) – Xubno ka kala tirsan xukuumadda Somaliland iyo xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maanta kormeeray hannaanka ay is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu uga socoto degmada Daarasalaam ee waqooyiga gobolka Maroodi-jeex.

Saraakiishan oo ay kamid yihiin xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi, Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Buuni, wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye) iyo xubno kale, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto wejiga labaad ee is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee gudaha degmada Daarasalaam, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka degmada ee xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan.

Masuuliyiintani waxa ay dadweynaha ku dhaqan degmada Daarasalaam ku dhiirrigeliyeen inay qaataan kaadhadhka cod-bixinta si aanay meesha uga bixin xuquuqdooda dastuuriga ah ee ay kusoo dooranayaan ciddii ku meteli lahayd goleyaasha kala duwan ee qaranka.

Madaxdan ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, ayaa indhahooda kusoo arkay sida habsamida leh ee ay shacabka reer Daarasalaam isu diiwaangelinayaan, waxana ay kula dardaarmeen inay sii laban laabaan dedaalka ay ku qaadanayaan kaadhadhka cod-bixinta.