Xog-hayaha cusub Garabka Haweenka Heer qaran ee Xisbiga KULMIYE oo maanta xilkii la wareegtay

Hargeysa – (WARSOOR) – Xoghayaha guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi, ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey xoghayihii hore ee heer qaran ee garabka haweenka xisbiga KULMIYE, Marwo Dalays Shire Faarax iyo xoghayaha cusub ee heer qaran ee garabka haweenka, Marwo Sahra Saleebaan Cawad Caydhaf.

Munaasibadda xil-wareejinta xoghayaha heer qaran ee garabka haweenka xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga, ayaa waxa ka qaybgalay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, xoghayeyaasha heer qaran ee xisbiga KULMIYE ee xilalka la kala wareegayey, xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha garabka haweenka ee degmooyinka caasimadda, qaar kamid ah haweenweynaha xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sagootinayo xoghayihii hore ee heer qaran ee garabka, haweenka, islamarkaana lagu soo dhaweynayo xoghayahay cusub ee haatan xilka la wareegay.

Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo kamid ah xubnaha sare ee xisbiga KULMIYE oo ugu horrayn halkaas ka hadashay, ayaa soo dhaweysay xoghayaha cusub ee garabka haweenka ee heer qaran, waxana ay shaacisay inay xoghayihii hore dedaal badan gelisay sidii ay xisbiga KULMIYE u noqon lahaa xisbi guulaysta oo yoolkiisa gaadha.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo Agaasimaha waaxda daaweynta ee komishanka Aydhiska Marwo Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso) oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xoghayaha cusub ee garabka haweenka, waxana ay si mug leh u ammaaneen dedaalkii iyo shaqo-wanaaggii ay muujisay xoghayaha xilka wareejisay.

Xogyahihii hore ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Dalays Shire Faarax oo ka hor intii aanay xilka wareejin hadallo kooban munaasibadda ka jeedisay, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay xilkii ay xisbiga muddada u haysay si Dimuqraaddi ah u wareejinayso, waxana ay caddaysay inay xisbiga katirsan tahay, islamarkaana mabda’ ahaan xisbiga iyo siyaasaddiisa u aaminsan tahay, lana shaqayn doonto xoghayaha cusub ee ay xilka ku wareejinayso.

Xoghayaha heer qaran ee garabka haweenka xisbiga KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawad, ayaa iyaduna ammaan iyo bogaadin u jeedisay xoghayihii xilka uga horreeyey, waxana ay tilmaantay inay sii ambo-qaadi doonto horumarkii iyo shaqooyinkii ay xisbiga ka bilowday xogyaha hore, iyada oo qaybaha kala duwan ee haweenka xisbiga KULMIYE-na ku tilmaantay garbo ay si weyn uga xisaabtamayso inay hammigeeda kala midho-dhaliyaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi oo ka hor intii aanu labada masuul xilka u kala wareejin halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee ay xisbiga iyo guulihiisa kasoo qaadatay xogyaha la beddelay, waxana uu xoghayaha cusub ugu bushaareeyey in hoggaanka xisbiga KULMIYE oo isku duubani si daacad ah uga shaqayn doono wixii hawlo ah oo soo wajaha, isaga oo haweenkana ku tilmaamay baalasha uu xisbigu ku duulo.

Intaas kaddib, waxa uu xoghayaha guud xilkii u kala wareejiyey xoghayihii hore ee heer qaran ee garabka haweenka KULMIYE iyo xogyaha cusub, kuwaas oo si kal iyo laab isugu wareejiyey xilkaas qaran.

Dhammaanba guddoomiyayaasha garabka haweenka ee degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa xoghayihii hore ee garabka haweenka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo ay ku muujinayaan dedaalkii iyo shaqo-wanaaggii ay muujisay muddadii ay xilka haysay, waxana ay ku tilmaameen shaqsiyad karti badnaan iyo daacadnimo ku sifowday.

Ugu dambayntii waxa guud ahaanba xubnaha kala duwan ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE lagu maamuusay qado-sharaf ballaadhan oo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiinta iyo xubnaha haweenweynaha xisbiga KULMIYE, taas oo ka qaybsoontay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa.