Hargeysa โ (warsoor) โ Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shaaciyey inuu dhex maray Isfahan la xidhiidha cabashadii xisbiga WADDANI u gudbiyey Komishanka ee ku saabsanayd degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu wehelinaayo gudoomiyaha komishanka Eng. Cabdiqaadir ayaa sheegay in komishanka ay isla garteen in la dhagaysto dalabyaddii xisbigu ee ku tabanaayey in dib loo eego doorashadda guud ahaan, gaar ahaana degmooyinka Gabiley iyo Hargeysa jawaabna ay ka sugi doonaan komishanka.
Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay inuu soo celiyey wadda shaqayntii uu la lahaa komishanka doorashooyinka.
Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Maal Channel: