Xildibaannada Golaha Guurtida JSL Oo Dood Ka Yeeshay Diiwaangelinta Codbixiyeyaashha Ee Dalka Ka Bilaabantay

Hargeysa – (warsoor) – Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay Diiwangalinta Codbixiyayaasha oo qaar ka mid ah degmooyinka dalka si rasmiya uga bilaabantay.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood ka yeesheen arrimaha diwangalinta codbixiyayaasha oo ay guddida doorashooyinka qaranku dalka ka wadaan.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, xildhibaan Cabdiraxmaan cismaan shaadh iyo xildhibaan Mubaarig oo ka mid ahaa mudanayaashii dooda ka qaybqaadanaayey ayaa talo ahaan ku soo jeediyay in bulsho weynta reer Somaliland ay isdiwaangaliyaan oo ay kaadhadhka codbixinta qaataan, waxaanay mudanayaashaasi si wado jir ah u tilmaameen in roobabku deegaanada qaar ay ku yaraayeen loona baahan yahay in tixgelin gaar ah la siiyo muwaadiniintaasi.