HARGEYSA – (WARSOOR) – Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyey wax ka bedalka iyo kaabista xeerka la dagaalanka maandooriyaha ee xeer Lr 21/2020.
Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxay mudanayaasha golaha wakiilladu cod gacan taaga ku ansixiyeen wax ka bedalka iyo kaabista xeerka maandooriyaha ee xeer Lr 21/2020, iyada oo ay fidhigaas ka soo xaadireen 46 mudane waxana ogolaaday 39 xildhibaan, halka ay diideen 6 mudane, cid ka aamustaynna ma jirin guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkaasi.
Geesta kale, mudanaaasha golaha wakiilladu waxa ay cod u qaadeen soo jeedin ay keeneen guddida siyaasadda arrimaha dibadda ee golahaasi sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland matalaad ugu yeelan lahayd baarlamaanka ay ku midoobeen wadamada barwaaqo sooranku, taas oo ay cod u qaadeen waxana ogolaaday 42 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane cid ka aamustayna ma jirin guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayeyna mudanayaashu ku ansixiyeen soo jeedintii guddida siyaasdda arrimaha dibadda ee golahaasi.