Xiisad dagaal oo ka dhex taagan Xisbullah iyo Israa’iil

Qudus – (WARSOOR) – Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay koonfurta Lubnaan subaxnimadii hore ee Axadda, taasoo ay ku sheegtay ‘weerar qorshaysan’ oo ay ku qaadday Xisbullah.

Xusbullah ayaa ku jawaabtay in ay soo rideen boqollaal gantaallo ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn si ay ugu aargudaan dilka mid ka mid ah taliyayaashii ugu sarreeyey ururkooda oo la dilay bishii hore.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqayntan cusub ee ay qaadeen in ay sabab u ahayd in Xisbullah ay qorsheynaysay inay gantaallo iyo hub culus ku garaacdo Israa’iil.

Wax yar ka dib duqaymaha Israa’iil, Xisbullah waxay ku dhawaaqday inay bartilmaameedsatay fariisimaha ciidamada Israel, taasoo jawaab u ahayd dilkii Fouad Shukur, oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay Xisbullah, kaas oo ay Israa’iil ku dishay duqayn ka dhacday Beirut bishii hore.

Inkasta oo xalay oo dhan duqaymo la isweydaarsanayey, haddana haatan waxay u muuqdaan in la soo afjaray, waxaana weerarada xalay ay u badnaayeen kuwo lagu beegsanayo bartilmaameedyo cayiman.

Dhanka kale, Masar ayaa Axadda maanta ah martigelinaysa wadahadallo heer sare ah oo lagu doonayo in lagu gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjaro dagaalka socday muddada 10-ka bilood ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee ka socda marinka Qaza, kaas oo dublamaasiyiintu rajaynayaan inuu hoos u dhigo xiisadda gobolka.