Xeer nidaaminaya Dhismeyaasha dalka oo dhawaan Wasaaradda Hawlaha Guud soo saarayso

Hargaysa – (warsoor) – Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta ayaa sheegtay in dhawaan lasoo saari doono Xeerka dhismeyaasha kala duwan ee dalka kaasi oo hadda gabo gabo dhaw.

Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xaaladda dhismeyaasha guud ee dalka uu ku jiro qaladaad badan, taas awgeedna loo baahan yahay in arrintaasi la nidaamiyo iyadoo hawshaasina ay kamid tahay waajibaadka shaqo ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta.

Wasiirka ayaa sheegay in qaabka dhismeyaasha kala duwan ee dalku ay marar badan dhibaato ka timaado taas oo halis galinaysa aminiga dadka wax dhisa iyadoo dhismeeyaal badani ay ku dumeen shaqaalihii dhisayay isla markaana dhimasho iyo dhaawac keenay.

Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay inuu hadda gaba gabo ku dhaw yahay xeerka dhismaha dalka (Building Code) kaas oo lagu maamuli doono cid kasta oo wax dhisaysa laguna xukumi doono wixii dhib ah ee ka yimaadda xagga dhismaha.

Wasiirka ayaa sheegay in  dhisme kasta oo dalka laga dhisayo ay kormeer ku samayn doonaan wasaaradda hawlaha guud iyo dawladaha hoose ee dalku gaar ahaana dhismeyaasha dabaqyada ah kuwaas oo khasaaro badan oo xagga farsamada ahi uu ka dhash.