Xasan Cali Kheyre oo sheegay in uu raali-geliyey CC Shakuur

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii xilka laga qaaday, waxuu xalay Muqdisho kula kulmay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu xalay ka raali geliyey weerarkii gurigiisa lagu qaaday 2017-kii, intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa.

Cabdiraxmaan Cabdshakuur ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay xilligaas hoygiisa ka geysteen dil iyo boob, waxayna xalay isaga iyo Kheyre ka wadahadleen, wixii dhacay xiiligaas iyo tabashada siyaasiga.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay, waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu Xasan Cali Kheyre ku soo qoray bartiisa Facebook.