Weftigii Somaliland ee ku sugan Taiwan Oo kulan Balaadhan La qaatay Hay’adda Horumarinta Ganacsiga Dibadda ee TIATRA

TAIWAN – (WARSOOR) – Weftigii Somaliland ee ku sugan dalka Taiwan ee uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga yo Dalxiiska Somaliland ayaa kulan balaadhan la qaatay Hay’adda Horumarinta Ganacsiga Dibadda ee dalka Taiwan (TIATRA).

Kulankaasi oo is faham laga gaadhay kobcinta ganacsiga labada dal, siddii suuqyada ganacsi ee labada dal ay uga furmi lahaayeen ganacsatada, xog is waydaarsiga iyo isku xidhnaanta ururada ganacsiga ee labada dal iyo in si wadda jir ah loo abaabulo bandhig-yo ganacsi (Trade Exhibitions).