Wefti Ka Socday Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Gaadhay Laascaanood

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xubno ka socday komishanka xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland oo ay hogaaminayso Rooda Axmed Yaasiin ayaa gaadhay gobolka Sool.

Waxayna kormeer ku tagay xafiiska guddoomioyaha gobolka Sool, xabsiga dhexe ee, saldhigyada ciidanka booliska ee degmada Laascaanood, maxkamadaha, dawladda hoose ee degmada Laascaanood iyo wasaaradaha waxbarashada, caddaaladda, arrimaha bulshada iyo caafimaadka.

Ugu horeyn waxa gobolka kusoo dhaweeyay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, isaga oo uga mahad-celiyay imaatinkooda gobolka Sool, wuxuuna ka codsaday xubnihii ka socday hay’adda xuquuqul Insaanka ee Somaliland in ay gobolka Sool ka sameyaan wecyi-gelin maadaama oo ay inta badan ka dhacaan isku dhacyo beelaysan.

Sidoo kale, Isuduwaha komishanka xuquuqul Insaanka ee gobolka Sool Xasan Diiriye Cartan iyo taliye ku xigeenka xabsiga dhexe ee gobolka Sool oo warbixin siiyey weftiga ayaa uga xogwaramay xaalada maxaabiista xabsiga dhexe ee Laascaanood ku jirat iyo guud ahaan xaalada gobolkaas.

Geesta kale, Rooda Axmed Yaasiin oo iyadu hogaaminaysay weftigaas ayaa ka warbixisay safarka ay ku tageen gobolka Sool waxayna uga mahad-naqday taliyaha xabsiga iyo saraakiisha kale ee ciidanka asluubta sida fiican ee ay ula shaqeeyeen.

Waxa kale, oo ay u mahad-naqday shaqaalaha komishanka xuquuqul insaanka ee gobolka Sool oo ay sheegtay in hawlahoodii shaqo ee gobolka ay si fiican u wadaan, waxayna guud ahaan uga mahad-celisay hay’adaha dawladda sida qurxoon ee ay ula shaqeeyeen.