Wefti Ballaadhan Oo Ka Socda Somaliland Oo Gaadhay Jigjiga

Hargeysa – (warsoor) – Wefti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka gobolka Soomaalida Itoobiya.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdicsiis Caydiid Cilmi (Yamani) oo noola socda weftigaas uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland waxa qayb ka ah guddoomiyeyaasha gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Salel, saraakiil ciidan, xubno ka socday xeer ilaalinta qaranka iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda deegaanka.

Weftigaasi waxa ay magaalada Jigjiga kaga qaybgali doonaan shir u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo lagaga hadli doono sidii layskaga kaashan lahaa ka ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta, kaas oo uu soo qaban qaabiyey ururka CCF, ee ilaalinta Harimacadka.

Weftigaasi markii ay u gudbeen dhanka Itoobiya ee Togwajaale waxa halkaas ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hogaaminayao wasiirka xafiiska deegaanka iyo ilaalinta duurjoogta Soomaalida Itoobiya, ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay maayarka Wajaale ee dhinaca Itoobiya iyo wasiirka xafiiska deegaanka iyo ilaalinta duurjoogta oo halkaas ku soo dhaweeyey weftiga ka socday Somaliland, iyaga oo intaas ku daray in ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dhinac.

Dhankiisana agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, oo halkaas ka hadlay ayaa mas’uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uga mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in shirka ay kaga qaybgali doonaan Jigjiga ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo lagula dagaalamayo dadka caadeystay in ay si sharci daro ah duurjoogta uga gubiyaan xuduuda ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya