Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine iyo dad kale oo ku dhintay shil diyaarad

YUKRAYN – (WARSOOR) – 18 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Dalka Ukraine iyo laba carruur ah, ayaa dhintay ,kadib kolkii diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay duleedka caasimadda Kyiv.

Madaxa booliiska qaranka, Igor Klymenko ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen wasiirkii arrimaha gudaha Denys Monastyrsky iyo  dhowr sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha .

Wasiir ku xigeenkiisii koowaad iyo xoghayihii gobolka ayaa sidoo kale dhintay, sida ay saraakiishu sheegeen, markii ay diyaarada helicopter-ka ah ku soo dhacday duleedka Brovary.

Saddex caruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay halka 15 kalena lagu daweynayo isbitaalla.