Wasiirka Waxbarashadda oo Kulan la qaatay Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Guurtida

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Guurtidda Somaliland.

Kulankan laba geesoodka ah waxaa Wasiirka Waxbarashadda ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, Agaasimaha guud ee Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradaasi.

Labada dhinac ayaa iska waraystay arrimo door ah oo ku saabsan horumarinta adeegyadda waxbarashadda ee qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa guddida joogtada ah ee Golaha Guurtidda warbixin buuxda ka siiyey heerka ay maanta marayso waxbarashadda dalku iyo qorsheyaasha qaranku ka leeyahay horumarinta waxbarashadda.

Wasiirka ayaa balanqaaday in wasaarad ahaan ay si dhow ula shaqeeyaan Labada gole ee sharci dejinta Somaliland.

Geesta kale Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Guurtidda Somaliland Xildhibaan Axmed-Daahir Maxamud Jirde ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Waxbarashadda iyo madaxda kale ee Wasaaradaasi warbixinta faahfaahsan ee uu siiyey isla markaana ay isla meel dhigeen qodobo ay danaynayeen Golaha Guurtidu, waxaanu intaas ku daray in Warbixintooda ay ku celin doonaan gole weynaha guurtida