Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo saynisku Somaliland oo Booqday Kenya

Kenya – (WARSOOR) – Weftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo saynisku Somaliland ee uu hogaaminayay wasiirka Waxbarashada oo weli ku guda jira hawlihii ay dalka Kenya ku tageen oo u jeedada ugu weyn ee socdaalkoodu ahayd in deeq-bixiyeyaasha Somaliland xagga waxbarashadda ka taageera uu waftigu la wadaago qorshaha horumarinta waxbarashadda iyo mudnaanta Somaliland ee 5 sano ee soo socota.

Weftiga Wasaaradda waxbarashada oo Maalintii 10-aad Ku sugan dalkaasi Kenya ayaa Madaxda iyo Hay’addaha Kala duwan ee ay la kulmeen waxa Ka mid ahaa.

  1. Xafiiska Midowga Yurub oo sidoo kale xifhiidhiye ka ah barnaamijka Horumarinta Waxbarashadda Adduunka ee loo yaqaano GPE
  2. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan taageeradda caalamiga ah ee loo gaabiyo USAID
  3. Baanka Adduunka (World Bank).
  4. Laanta dalka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta dibadda iyo barwaaqo sooranka ee magaceeda loo soo gaabiyo FCDO
  5. Safaaradda Denmarka oo waftigu kala hadlay taageerada DANIDA ee waxbarashadda Somaliland

Waftiga ayaa maalmaha soo socda ee todobaadkan sii wadan doona hawsha ay u joogaan dalka Kenya.