Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qarankaoo Kormeeray Degmadda Sallexley

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo socdaal shaqo ku tegay degmadda Sallaxley ayaa la kulmay Gudiga Xisbiga Kulmiye ee degmada, garabka haweenka iyo garabka dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye.

Weftiga Wasiirka Qorshaynta waxay kulamo kala duwan la qaateen maamulka dawlada hoose ee degmada,maayarradii hore ee degmada iyo odayaasha deegaanka.

Wasiirka Qorshaynta ayaa intii uu ku sugnaa Degmada waxa kale oo ay kulan gaara la qaateen xildhibaannada Golaha Deegaanka ee xisbiga KULMIYE oo ay isla qaateen dardar gelinta hawlaha xisbiga ee degmada.

wasiirka Qorshayntu waxa kormeer ku soo maray xafiisyada xisbiga KULMIYE uu ku leeyahay degmadaasi, kuwaasi oo ay ka socoto hawlaha shaqo ee diyaar garawga doorashooyinka iyo dar dar gelinta hawl wadeennada iyo taageerayaasha tirada badan ee Xisbigu ku leeyahay degmadaasi Salaxlay iyo deegaanada hoos yimaaada.