Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland oo hortegay guddi deegaanka ee Golaha wakiilada

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha gudi hoosaadka gudidaasi Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) ayaa sheegay in ay wasiirka wax ka waydiiyeen Xeerarka Shiidaalka, Tamarta oo madaxwaynuhu dhawaan gudi u magacaabay, Macdanta iyo sahamintii shiidaalka ee goboladda Togdheer, Sool, Saaxil iyo Daad-madheedh,  guddoomiye Waabeeye waxaa uu sheegay in wasiirka si qotodheer ay isu waraysteen kuna qanceen wax-yaabihii ay waydiiyeen.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Jaamac Xaaji Maxamud Cigaal ayaa sheegay in ay arintani ka mid tahay isu dheeli tirka Hay’adaha dawladda isla markaana la xisaabtamayo iyada oo aan waxba la kala jiidanayn ee si isku mid ah loo shaqaynaayo, waxaanu sheegay wasiirku in mudadii ay gudida la joogeen siiyeen warbixin waafiya oo ku saabsan shaqada ay qaranka u hayaan.