HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Osman Saed iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda ataa kulan balaadhan kula qaatay xarunta Wasaaradda hayaddaha ay mid yihiin One Earth Foundation, Pharo Foundation iyo FCAI.
Kulankan ayaa daaranaa sidii loo kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha lagu taageero ganasatada yaryar ee dalka, sidii u helinaan maalgalino loona fududeeyo maalgalinta ganacsiyadda soo koraya.
Wasiirka Wasaaradda ayaa isaguna adkeeyay muhiimada ay leedahay in la darso caqabadaha hor taagaan helitaanka maalgashiga. Sidoo kale in la sameeyo xidhiidh joogto ah oo ka dhexeeya Wasaaradda Maalgashiga iyo daneeyayaasha ka shaqeeya arimaha Maalgashiga. Sidoo kale wasaaraduna au dhankeeda diyaar u tahay sidii ay ugala shaqayn lahayd.
Agaasimaha Waaxda iskaashiga dawladda iyo dadka (PPP) Mudane yaxye Xuseen Xasan ayaa isaguna kasoo jeediyay warbixin ku saabsan heerka ay marayso maalgalinada loo sameeyo ganacsiyada yaryar iyo sidii caqabadaha hortaagan si wada jira looga gudbi lahaa.
Ugu dambayntii waxaa suโaalo door muhiima ku lahaa kulahaa habsami u socodka kulanka isweydaarsadey agaasime waaxeedyadii iyo hayโaddaha kulanka kasoo qaybgalay.
Waxana ugu dambayntii kulanka soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane ayaa ka soo jeediyay War-murtiyeedka kasoo baxay.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha
Website:https://moiid.govsomaliland.org
Twitter: https://twitter.com/SomalilandMOIID