Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland OO Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Sare oo Ka Socday Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO, oo ay horkacayso madaxa u sareeya Xafiiska WHO ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankan oo ay wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta Wasaaradda Maxamed Cabdi Xuseen, ayaa intii uu socday waxaa si qotodheer loogaga wada hadlay xidhiidhka, iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda WHO iyo sidii loosii xoojin lahaa.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa weftiga ku soo dhaweeyey dalka Somaliland iyagoo weftiga ka dhegaystay warbixin ku wajahan arrimaha ugu muhiimsan ee ay Wasaaradda kala shaqayso iyo iskaashiga ka dhexeeye, iyagoo xusay in ay diyaar u yihiin ka hayad ahaan sidii looga wada shaqayn lahaa, layskagana kaashan lahaa arrimaha caafimaadka ee ay Wasaardda kala shaqeeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa dhankooda si wada jir ah weftiga uga warbixiyay muhiimada ay leedahay wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda Caafimaadka adduunka, iyagoo hoosta ka xariiqay in layska kaashado xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhexaysa, iyadoo cid kastaa masuuliyadeeda qaadanayso, si loo dardargeliyo Arrimaha Caafimaadka,

Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is fahan iyo in si wada jir ah looga shaqeeyo hawlaha caafimaadka.