Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jiddadka & Wefti uu Hogaaminayo oo Soo Kormeeray Jidka Ceerigaabo

Ceerigaabo – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Soomaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Oo Ay Ka Mid Yihiin Maareyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Axmed Yuiusuf Maxamed Agaasime Waaxeedyo Kamida Wasaarada Gaadiidka Iyo Masuuyiin Tiro Badan Oo Kale Ayaa Kormeer Ku Sameeyayay Degaanada Kala Duwan Ee Shaqada Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Burco Ka Socoto Wasiirka Iyo Waftigiisu Ugu Horayn Waxaa Ay Gaadheen Inta U Dhaxaysa Degaanada Gadh Gumreed Iyo Barkada Cali Xirsi Oo Shaqada Wadadu Si Xawliya Uga Socoto.

Sida uu Ku Soo Waramayo Weriyahayaga Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland SOLNA ee Degmadda Ceel afweyn Maxamuud Cabdi Barre {Masuul} Waxaa Wasiirku Uu Warbixin Halkaasi Kaga Dhagaystay Maareyaha Mashruuca Dhismaha Wadada Ceerigaabi Burco Eng Maxamed Cabdi Qoorsheel Engka Guud Ee Mashruuca Eng Xuseen Maxamed Cumar Iyo Sidoo Kale Eng Cabdiraxmaan Dhegacade Waxaana Ay Si Hufan Uga Warbxiyeen Shaqada Socota Oo Ay Sheegen In Wadada Kaliya Inta Aanay Gacantu Gaadhin Tahay Wax Ka Yar Labaatan KM.

Maareyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka JSL Axmed Yuiusuf Maxamed Iyo Agaasime Waaxeedka Liisamada Ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Ayaan Cabdi Casiis Oo Dhankooda Ka Hadlayay Shaqada Ka Socota Inta U Dhaxaysa Berkada Iyo Gadhka Ayaa Ku Bogaadiyay Shaqaalaha Madaxda Iyo Maamulka Wadada Tacabka Ay Galiyeen Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Burco

Wasiirka Gaadiidka Jsl Cabdilaahi Abokor Cismaan Oo Ka Hadlayay Isla Degaankaasi Duleedka Berkada Cali Xirsi Waxaa Uu Bogaadinta Shaqalaha Iyo Madaxda Mashruuca waxaanu Nasiib Daro Ku Tilmaamay In Rag Mucaarad Ahi Canjarafayn Ku Sal Goan Xiqdi Ay Isku Dayaan Inay Ku Dhabar Jebiyaan Shaqaalaha Naftood Hurayaasha Ee Wadada Ceerigaabo Iyo Burco .

Waxaana Wasiirku Ka Digay Isku Day Kasta Oo An Lahayn Ajande Muuqda Oo Lagu Wax Yeeleyo Shaqo Wanaagsan Oo Socota Isaga Oo Wasiirku Hoosta Ka Xariiqay Inaan Taas Marnaba La Aqbalayn.

Waftiga Wasiirka Oo Safarka U Xogogaal Noqoshada Shaqada Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Burco Sii Wata Waxaa Uu Gaadhay Degaanka Tuurka Ee Degmada Gar Adag Halkaasi Oo Ay Kusoo Dhaweeyen Boqolaal Kamida Bulshada Degaankaasi Tuurka Maamulka Degmada Gar Adag Iyo Waxgaradka Degaankaasi Oo Dareenka Soo Dhawayntoodu Ka Turjumayay Shaqada Sharaftu Ka Muuqato Ee Dhismaha Wadada, Maayirka Gar Adag Faarax Aadan Ciise ,Maareyaha Mashruuca Dhismaha Wadada Ceerigaabi Burco Eng Maxamed Cabdi Qoorsheel Oo Ka Hadlayay Gudaha Tuulada Tuurka Ayaa U Mahad Celiyay Bulshada Degaankaasi Ee Soo Dhawaysay Waftiga Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Geestiisa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Soomaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan Ayaa U Mahad Celiyay Bulshada Guud Ahaan Gobalka Sanaag Gaar Ahaan Bulshada Kusoo Dhawaysay Degaankaasi Tuurka Waxaana Uu Wasiir Cabdilaahi Hoosta Ka Xariiqay Sida Gobanimada Leh Ee Shacabka Degaanadaasi Ula Shaqeeyaan Shaqaalaha Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Burco.

Wasiirku Waxaa Uu Sidoo Kale Kormeeray Karagshada Waaweyn Ee Mashruuca Iyo Sidoo Kale Buundooyinka Dhismaha Wadada Oo Hadda Lagu Wado Buundo Galinta.