Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo gaadhay Laascaanood

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon), iyo wefti uu hogaaminaayo oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud ee madaxtoooyada iyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa gaadhay magaaladda Laascaanood oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

Sida uu ku soo Waramayo Weriyahayaga Gobolka Sool C.qani Xasan Faarax Gadari Waxaa soo dhaweynta wasiirka arrimaha dibadda iyo weftigiisa qayb ka ahaa maamulka gobolka Sool, ka degmada Laascaanood, masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee gobolka, madax-dhaqameed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu horayn waxa halkaas hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey guddoomiayah gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kale, oo wasiirka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey, iyaga oo uga mahad celiyey booqashada ay wasiirka iyo weftigiisu ku tageen gobolka Sool.

 Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ka qayb qaadanayaan xalinta khilaafyada ka jira deegaanada ka tirsan gobolka iyo deegaanka Ceegaag oo ay dhawaan shaqaaaqo ka dhacday.

Waxa kale, oo isna madashaas soo dhaweynta ah ka hadlay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, oo dadweyihihii ku soo dhaweeyey deegaanadii ay safarka ku mareen, isaga oo intaas raaciyey in soo dhaweynta intaas leegi ay muujinayso kalgacaylka ay bulshada gobolka Sool ku dhaqani u hayso madaxdooda iyo xukuumaddoodaba.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay dadka sida weyn u soo dhaweeyey ee ku dhaqan deegaanada hoos yimaada gobolka Sool ee ay sii mareen, wuxuuna intaas raaciyey in isaga iyo weftigiisu ay kulamo la yeelan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan kana wada tashan doonaan arrimaha gobolka Sool iyo horumarintiisa.