Wasiirka WarfaafintaXFS oo ka warbixiyay go’aankii dowladdu ay ka qaadatay Kenya

MUQDISHO – (WARSOOR)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XF.Soomaaliya Mudane Cusmaan Abokor Dubbe ayaa difaacay Tallaabada Siyaasadeed ee dowladda Federaalka ay ka qaadatay dalka Kenya iyo dadaalka ay ugu jirto horumarinta dhinaca dibolomasiyadda ee ay kula dhaqanto caalamka.

Wasiir Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dalka Kenya aanay ka muuqan deris wanaag, isla markaana ay ku dhaqmeyso nidaam ay dooneyso in ay ku farageliyaan Soomaaliya sidii qaabkii TPLF ay ku heysay Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo,isla markaana laga soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed  ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena”

Mudane Dubbe,waxa uu xusay in Soomaaliya ay muujisey biseyl siyaasadeed iyo derisnimo wanaag,hasa yeeshee Kenya ay horay u qaaday tallaabo ay ugu yeeratay Safiirkeeda, isla markaana safiirkii Soomaaliya ay dib ugu soo celisay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XF.Soomaaliya Mudane Cusmaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhibatooyin xagga safarka ah iyo ganacsigaba ay ku hayaan shacabka Soomaalyeed,isagoo dhinaca kalena xusay in ay wadaan qalqal-galin amniga Qaranka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya