Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo Gunaanaday kulanka Xaqiijinta Hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene oo ay Wehliso Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Abdi ayaa maanta soo xiray kullanka Xaqiijinta Hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka.

Kullanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimiyaasha Guud ee dowladda labadeeda heer, bulshada rayidka, iyo madaxda sare ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.Ujeeddada kullanka ayaa ku saleysneed xaqiijinta Hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo mudo shaqadiisa ay waday Wasaaradda.

Hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka ayaa laf-dhabar u ah qiimeynta iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota si loo dar-dargeliyo ka mira-dhalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-laad (QHQ-9).