Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee JFS

MUQDISHO – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane. Jamaal Xassan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xubno ka socda Golaha Dhaqaalaha Qaranka JFS.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo xubnaha ka socday Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa ka wadda hadlay sidii Wasaaradda iyo Goluhu isaga kaashan la haayeen dardergalinta horumarinta dhaqaalaha iyo sida ugu fiican ee looga faa’ ideysan karo tallooyinka ku saleysan cilmi-baarista ay soo jeediyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Daarasado laga samayeeyey saamaynta uu ku yeeshay cudurka COVID-19, dhaqaalaha dalka iyo sidii looga soo kaban lahaa.