Wasiirka Macdanta Somaliland Oo Komishanka Korontada Ku Wareejiyey Waaxdii Tamarta Ee Wasaaraddaasi

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa komishanka Tamarta iyo Korontada ku wareejiyey waaxdii Tamarta ee ka tirsanayd wasaaraddaasi, komishankaas oo uu dhawaan  magacaabay madaxweynuhu.

 Waxaana munaasibadii ay komishankaasi xilka kula kala wareegayeen ka qayb galay masuuliyiinta shirkadaha korontada, shaqaalaha waaxda Tamarta ee wasaaradassi, guddoomiyaha maamul wanaaga iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha iskaashatada shirkadaha korontada Somaliland iyo xubno kale oo ka tirsan shirkadaha korontada, kuwaas oo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta uga mahad celiyey sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen, iyaga oo komishanka cusubna kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu shaqeeyaan shirkadaha kala duwan ee bulshada Somaliland u qabta adeegyada Korontada.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee Somaliland Dayib Xaaji Cali, oo sheegay in komishanka Tamartu ku Aasaasan yahay xeer, kaas oo ay haboon tahay in hawl wadeennada shirkadaha iyo dadweynuhuba akhriyaan si ay u ogaadaan waajibaadka ka dhalanaya.

Sidoo kale, waxa halkaas ka  hadlay maareeyaha komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare, oo sheegay in ay hawsha komishankaas ka sii ambaqaadi doonaan halkii ay gaadhsiisay wasaaradaasi, iyaga oo raaci doona habraacyada u dejisan Tamarta, wuxuuna ballan qaaday in ay si caddaalad ah ugu adeegi doonaan shirkadaha korontada ee dalka guud ahaan.

Gabobgabadii waxa munaasibadaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, oo ku dheeraaday sida aan marnaba looga maarmi karin korontada, isaga oo xusay in nolasha bulshadu ku tiirsan tahay isla markaana ay muhiim tahay in wax laga bedelo habkii hore ee xadhkaha laydha loo marin jiray shaaracyada magaalooyinka si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha wakhtiyada roobabka.

Wuxuuna wasiirku kula dardaarmay komishanka Tamarta iyo  masuuliyiinta shirkadaha Laydha, in ay ku dedaalaan ka midho dhalinta hawsha danta guud ee ummada ay u hayaan, isaga oo illaahay uga baryey in uu ku asturo xilka ay qaadeen.