Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Hortagay Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa hortagay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ka xogwaramay waxyaabihii ay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada ka wada hadleen, wuxuuna sheegay in ay warbixin ka siiyeen xaalada dhaqaale ee dalka iyo saadasha dhaqaalaha ee saddexda sanno ee soo socda sida uu noqonayo, isaga oo intaas ku daray in ka soo kabashada xaalada xannuunka Coronavirus ee dhaqaaluhu ay qaadan karto muddo dheer, balse ay imika soo wanaagsanaanayso xaalada dhaqaaluhu.

Wuxuuna wasiirka maaliyaddu intaas raaciyey in markii ay joogsadeen duulimaadyadii diyaaradaha, xidhitaankii goobaha waxbarashada iyo isu socodkii bulshadu oo hoos u dhac ku yimid dakhligii waddanka, isga oo intaas ku daray in xukuumaddu qaaday talaabooyin ay arrintaas kaga hortageyso.

Geesta kale, guddoomiyaha guddidaas Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay wasiirka maaliyadda la qaateen ka mid ahaa kuwii ay la yeelan jireen masuuliyiinta qaranka, wuxuuna xusay in wasiirku u sheegay in hoos u dhac dhaqaale jiro sannadkan, taas oo uu ku sababeeyey xoolo badan oo aan sannadkan dhoofin iyo xajka oo aan sannadkan la soo xajin, kuwaas oo dakhli badan ka soo gali jiray hay’adaha dakhli ururinta iyo guud ahaan dalka.