Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka DDS oo ka hadashay walaac laga qabo xanuunno cusub

JIGJIGA – (WARSOOR) – Maalmahan waxaa jiray warar sheegayay in uu cudurka daacuunka uu ka jiro magaalada Mandheera ee wadanka Kenya oo xudduud ay wadaagaan dawlad deegaanka soomaalida, waxaana sare u kacay cabsida laga qabo in xanuunkaasi uu u soo gudbo dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Xafiiska caafimaadka ee dawlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inaanay weli jirin kiisas lagu arkay deegaanka, hase ahaatee waxay muujiyeen cabsida laga qabi karo, iyaga oo sheegay inay u diyaargaroobeen.