HARGEYSA โ (WARSOOR) โย Wasiirka horumarinta Maaliyadda ayaa furay kulan hawleed loogu talo galay in lagu qiimeeyo laguna abaal mariyo haw-lwadeenidii ugu wanaagsanaa waaxayaha cashuuraha berriga iyo kastmada ee 6-bilood ee danbe ee sanadkii 2020-kii.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galaan madaxada wasaaradda horumarinta Maaliyadda ayaa waxa ugu horeyn ujeedada kulankaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta maaliyada Muuse Ibraahin Salaf iyo Maxamed Cabdi Gurxan oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu kulankani leeyahay iyo sida ay uga goโantay wasaaradda in ay qiimeyn samayso si loo abaal mariyo cida mudan, iyagoo geesta kale u mahad celiyay haw-lwadeenada wasaaradda horumarinta maaliyada ee cashuuraha Berriga iyo Kastamada.
Wasiirka horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaalkii lasoo galay sanadkii hore lasii laban laabo isagoo tilmaamay in wasaarad ahaan ay oddoraseen dakhli soo saar kaas oo ay waajib ku tahay wasaaradda in ay soo saarto ama ka badiso wixii la balan qaaday.
Waxaanu intaa ku daray in wasaarad ahaan la diiwaan galiyo qof kasta oo cashuur ku waajibtay si hawsha cashuur qaadistu ay ugu fudadato haw-lawdeenada wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland waxa wasiirku sidoo kale sheegay in ay waajib tahay in cashuur bixiyaha loo fududeeyo sida ugu fudud ee uu cashuurta ku waajibtay u bixin karo
Gabagabdii waxa halkaasi warbixino kasoo jeediyay agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda kuwaa soo ka waramay shaqada ay qaranka u hayaan.
HALKAN KA DAAWO WARKAN: