Hargeysa- (warsoor) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani ayaa dalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska(Uk) Gavin Williamson, oo ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee Egal International Airport.
Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha
Difaaca Dawlada Ingriiska oo si weyn ay wada shaqayn weyn leeyihiin kaasi oo
tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay
soo dhawaynayso waxaana hadaladisa ka mid ah(‘’Waxaanu soo dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska
Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo
dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa
qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’) Ayuu yidhi Wasiirka
gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf.
Imaatinka Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska (Uk) Gavin Williamson ayaa ku soo beeg maya xili wasaarada
gaashaandhigu ay horumaro iyo dadaalo ay ku doonayso in ay kor ugu qaado dhanka
dhanka xidhiidhka iyo wada shaqaynta dawladaha dibada uu yimi taasi oo doonaysa
in ay kor u qaado dhanka Amaanka guud ee madaqada, hanaanka xaqsiinta ciidamada
ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono Xoghayaha difaaca ee dawlada
Ingriisku.
Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo ah masuul meeqaam sare ku leh dawlada Ingriiska ayaa safarkan uu dalka Somaliland ku imid ah mid meeqaamka iyo qaranimada somaliland kor u qaadaysa in sarkaalkaas uu dalka imaado.

