Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Markis Laga Hirgeliyey Magaaladda Gebiley

Gebiley – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa xadhiga ka jaray markas lagu magacaabo Umuhaatul Mu’miniin oo laga hirgeliyey magaaladda Gebiley ee xarunta gobolka Gebiley.

Markaskan oo lagu dhisay Barnaamij lagu magacaabo Aboorka kama liidano ayay dhismihiisa bilaabeen haween muxsiniin ah oo ku nool magaaladda Gebiley ee caasimadda gobolka Gebiley, iyada oo ay sidoo kalena ka qayb qaateen dhismaha Markaskan dad kale oo muxsiniin ah oo ku nool dalka iyo dibadaba.

Munaasibadda xadhiga lagaga jaray Markaskan Umuhaatul Mu’miniin waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi , Badhasaabka gobolka Gebiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye,Maayirka magaaladda Gebiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ,Guddoomiyaha Hay’adda Diwaanka Sakada Sheekh Xamse Xabeeb,Marti sharaf  iyo sidoo kale dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Markaskan oo loogu talo galay barashada Diinta Islaamka ayaa wax lagu bari doona Haweenka , iyada oo lagu baraayo  hab lacag la’aan ah, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay oo dhismaha Markaskan Umuhaatul Mu’miniin ka warbixiyey Sheekh Xamse Xabeeb iyo Sheekh Axmed Xaafid, waxaanay tilmaameen labada Sheekh in ururka Haweenka ee Markaskan dhismihiisa hirgeliyey la aas aasay  sannadkii 2016-kii, iyada oo aan lagu koobin ururkan wacdiga oo keliyaata ee uu ururku ka shaqeeyey waxbarida dadka iyo taakulaynta dadkaba.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay qaar kamid ah salaadiinta gobolka Gebiley oo ka sheekeeyey bilawgii dhismahan Markaska Umuhaatul Mu’miniin, waxaanay tilmaameen in Markaskani noqon doono mid ay kasoo bixi doonaan Hablo iyo Hooyooyin sharaf badan oo diinta aqoon badan u lihi.

Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay qaar kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland iyo qaar kamid ah Mu’asisadaha diiniga ah ee ka shaqeeya wacyigelinta Diiniga ah, iyaga oo markaska ku wareejiyey kutub diini ah.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Maayirka magaaladda Gebiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Badhasaabka gobolka Gebiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye,waxaanay u mahadceliyeen Hooyooyinka iyo haweenka hirgeliyey Markaskaasi, iyaga oo balan qaaday in ay garab istaagi doonaan.

Gebo gebadiina waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland iyo sidoo kale wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, iyaga oo haweenka hirgeliyey Markaskan Umuhaatul Mu’miniin ku amaanay hirgelinta Markaskan.