Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda oo xilka la wareegay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad uu Xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda taasi oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fadraalka ah Wasiiro hore Xildhibaano iyo Safiiro.

ugu horeyn ayaa waxaa halkaas ka Hadlay Gudoomiyaha Gudiga Arimaha dibadda ee Baarlamaanka fadraalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Biixi Cige.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada Cusub ee loo igmaday.

Wasiiraka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay inuu sii amba qaadayo shaqada Wasaardda Hogaankeeda uu qabtay.