Hargeysa – (Warsoor) – Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Cusub ee maamul goboleedka Puntland.
Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali ayaa sheegay in dadka ku nool goboladda Bariga Somaliland aanay colaad u baahannay, waxanau yidhi, “Dadka deegaankaasi uma baahna dhib, waxay ubaahan yihiin nabad iyo nolol, waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar, waxay u baahan yihiin inay la jaan-qaadaan dadka rayisyadda ah ee hareeraha ka xigga”.
Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Puntland Siciid Cabdilaahi Dani oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo xad-gudubtay dhulka Puntland.
