Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland oo jawaab adag ka bixiyey eedo uu guddoomiyaha SOLJA u soo jeediyey xukuumadda

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta waxa uu sheegay in toosinta iyo la xisaabtanka xukuumadda ay u xilsaaran yihiin golayeyaasha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiiladda, xisbiyada qaranku iyo warbaahinta madaxa bannaan, balse ayna shaqadiisa ahayn ururka saxafiyiinta ee solja, isaga oo intaas raaciyey in guddoomiyaha ururkaasi uu ka hadlay wax waajibaadkiisa iyo shaqadiisa baalmarsan, wuxuuna u soo jeediyey guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) in aanu majara habaabin shaqada iyo waajibaadka ururka SOLJA.

Waxa kale, oo uu wasiir ku xigeenka warfaafintu tilmaamay in guddoomiye Xuuto ay u bannaanayd inuu baadhitaan ku sameeyo eedaha is barkan ee uu xukuumada u soo jeediyey, isla markaana uu bulshada horkeeno wax xaqiiq ah, balse ay eediisu ahayd mid xaqiiqada ka fog oo aan wadan wax cadayn ah, taas oo uu sheegay in sharcigu u ogal yahay in hay’adda xukuumadda marka ay warbixin uga baahan yihiin ay ka heli karaan.

 Geesta akle, wasiir ku xigeenku waxa uu bogaadin iyo ammaan u soo jeediyey weftiga xukuumada ee ku sugan deegaank Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag dedaalka daacad nimada iyo odaytinimada leh ee ay ku maamuleen kuna soo afjareen shaqaaqadii ka dhacay deegaanadaasi, wuxuuna bogaadiyey suldaan Siciid Yuusuf oo shalay lagu soo dhaweeyey deegaankaas.