Wasiir ku xigeenka horumarinta caafimaadka Somaliland oo tababar usoo xidhay qaar kamid ah xoghayeyaasha dawladaha hoose

Hargeysa – (warsoor) – Wasiir ku xigeenka horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa tababar usoo xidhay qaar kamid ah xoghayeyaasha dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.

Tababarkaasi ayaa ku saabsanaa doorka maareynta dawlada hoose ee xaaladaha xanuunada faafa  waxana bixiyanan ruug caddaa ka socday wasaaradda caafimaadka.

Xubno kamid ah ka qayb galeyaashii tababarkaasi ayaa sheegay intii uu tababarku socday inay wax badan ka faa’iideysteen iyadoo ay balan qaadeen inay shaqooyinkooda ku dabaqi doonaan waxii ay barteen.

Wasiir ku xigeenka horumarinta caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa ugu dambayn tababarkaasi soo xidhay isagoo ka qayb galeyaasha kula dardaarmay inay ku shaqeeyaan aqoontii ay ka korodhsadeen mudadii uu tababarku u socday