Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.
Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo isbedelka Maaliyadeed ee Dowladda ay ku talaabsatay.
“ Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an iney xoojiso oo sii laba jibaarto dib-u-habeynta Maaliyadda,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Bartiisa gaarka ah ee Facebooka.
145-mudane ayaa u codeysay ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021, mana jirin Xildhibaan ka aamusay ama diiday.