Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Oo Soo Gebo Gebeysay Tabobar Ku Saabsan Barashada Dastuurka

Hargeysa – (warsoor)Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Jamaal Cabdi Muuse ayaa soo gabo-gabeeyay tobar ku saabsan barashada dastuurka Somaliland, kaas oo ay qaadanaayeen qaar ka mida saxfiyeeinka ka hawl-gala magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo xidhitaanka tabobarkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in saxafiyiintaas qaatay tabo-barku ay u badan yihiin kuwo da’ayar ah, kuwaas oo u samray mudadii uu tabo-barkaasi socda, iyagoo ka faa’iidaystay casharadii ku saabsanaa barashada dastuurka Somaliland, maadaama oo ay saxafiyiintu u baahan yihiin inay aqoon u yeeshaan dastuurk dalka u yaala.

Qaar ka mida saxafiyiintii tabobarkaas qaadatay ayaa sheegay in mudadii uu socday ka faa’iideen casharo la xidhiidha dastuurka Somaliland, kuwaas oo ahaa qaar ay aad ugu baahnaayeen.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Jamaal Cabdi Muuse ayaa sheegay in talaabadan ay saxafiyiinta ku barayaan dastuurka Somaliland ay ka mid tahay sidii loo dar-dar gelin lahaa kor u qaadida barashada dastuurka Somaliland, waxaanuu sheegay in ay sii wadi doonaan tabobarada barashada dastuurka ee qaybaha kala duwan ee bushada Somaliland.