HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Waxbarashada Qaranka oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo agaasimaha guud ee W.W&S ayaa kulan la yeeshay xeel-dheereyaasha gacanta ku haya dib-u-eegista iyo tayaynta manhajka Somaliland.
Intii kulanku socday waxay Waaxda Manaahijta iyo La-taliyayaasha farsamo warbixin ka siiyeen Xubnaha Guddida iyo madaxda wasaaradda waxyaabaha u qabsoomay ilaa intii ay gacanta ku hayeen dib-u-eegista manhajka, iyagoo xusay in ay qabteen dhawr kulan la-tashi bulsho (Consultation meetings) oo magaalooyin kala duwan ka qabsoomay.
Guddida Waxbarashada Qaranka Somaliland ayaa Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaana xafiiska Manaahijta ku bogaadisay dibu-eegista manhajka ee ay waddaan, iyadoo intii kulanku socday ay guddidu wixii ay talo haysay kula wadaagtay Wasaaradda Waxbarashada. Ugu danbayna laysla qaatay qodobadan:
1. In la sii wado dib-u-eegista manhajka, iyadoo laga duulayo maabaa’diida guud iyo himilooyinka waxbarashadda qaranka ee ku qeexan dastuurka Somaliland, Xeerka Waxbarashada Qaranka, Siyaasada Waxbarashada iyo Hiraalka Waxbarashadda ee 2030.
2. In dib-u-eegista manhajka looga shidaal qaato soo saarista muwaadin Togan.
3. In 3 xubnood oo Guddida Waxbarashada Qaranka ka tirsani ay majaraha u qabtaan tayaynta manhajka.