HARGEYSA – (WARSOOR) โ Wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ee Somaliland ayaa soo qaban qaabisay kulan lagaga hadlaayay qabyo qoraalka xeerka dadka naafada iyo illaalint xuquuqdooda.
Kulan hawleedkaas ayay kasoo qayb galeen masโuuliyiina wasaaradda, xubno ka socday dadka naafad ah, saraakiil ka socotay hayโadaha ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Shaqogelinta, iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumay kulankaasi.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xeerkaasi uu ahmiyad ballaadhan u leeyahay dadka naafada ah ee Sonmaliand, waxaana uu Agaasimuhu intaas ku daray inuu xeerkani uu daryeeli doono dadka nugul ee baahiyaha gaarka ah qaba.
Agaasime Guud Cabdirashiid Ibraahin waxa uu kula dardaarmay kasoo qayb galayaasha kulankaasi inay ka faaโideystaan aqoonta lagu bixinayo tabobarkaasi inta uu socdo.