Wasaaradda shaqo galinta oo Burco ku qabatay kulan lagaga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta

BURCO – (WARSOOR) – Wasaaradda shaqo galinta arrimahaย  bulshada iyo qoyska ayaa magaalada Burco ku qabatay kulan ay kasoo qayb galeen guddiyada ilaalinta xuquuqda carruurta ee degmooyinka, Hargeysa, Boorama, Laascaanood, Ceerigaabo, Berbera iyo Burco.

Kulankaasi ayaa ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi iyo sidii loo kala faaโ€™iidaysan lahaa aqoonta iyo waaya aragnimada xubnaha.

Isuduwaha Wasaaradda shaqo galinta arrimaha  bulshada iyo qoyska ee gobolka Togdheer Ismaaciil ayaa soo dhaweeyay xubnaha kasoo qayb galay kulanka waxanu sheegay in kulankaasi lagu kala faaโ€™iidaysan doono waaya aragnimada dhanka shaqada ah ee gudiyada ilaalinta xuquuqda caruurta. Waxaanu ku booriyay xubnaha in la kala faaโ€™iidaysto mudada laba maalmood ah ee kulankaasi socd