Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo Ururka Bangiyadda Somaliland ayaa Maanta Heshiis wada shaqayneed kala saxeexday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Mahamed iyo Gudoomiyaha Ururka Bangiyadda Somaliland ayaa Maanta Heshiis wada shaqayneed kala saxeexday.

U jeedada heshiiskan wada shaqayneed ayaa ah mid ka qayb qaadandoona horumarka dhaqaalaha iyo dardargalinta abuurista jawi maalgashi oo ku so dhiirasho leh.

Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL iyo Ururka Bangiyadda Somaliland ayaa ka wada shaqayn doona sidii loo xoojin lahaa maalgashiga dalka iyo iskaashiga dawlada iyo private sector ka.

Dhanka kale wasiirka waxa ku wehelinayay heshiiska Gudoomiyaha Ururka Bangiyadda Somaliland Mr. Khaliif Sh.Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane C/Kariim Muuse Maal, Agaasimaha waaxda Qorshaynta, iyo xubno ka mida hogaanka ururka.