Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Oo Shaacisay Wakhtiga La Qabanaayo Carwadda Wax Soo Saarka Warshadaha Iyo Maalgashiga

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa Kulan Warbaahineed uu Ku qabtey Halka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Kuna Shaaciyey Wakhtiga Rasmiga ah ee la qabanayo Bandhiga Carwadda Wax Soo Saarka Warshadaha Iyo Maalgashiga.

Taasi oo Ka Qabsoomi Doonta 10 Bisha August Hotel Guleed.

Wasiirka ayaa Waxaa Shirka Jaraa’id Ku Wehelinayeey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Mudane Cabdikariin Maal iyo Masuuliyiin Ka Socdey Rugta Ganacsiga, Ururka Warshadleyda iyo Maalgashiga Iyo Qaar Ka Mida Agaasima Waaxeedyada Wasaraadda Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha.