Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Oo Ka Warbixiyey Hawlaha U Qabsoomay

HAREYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay kulanka gudidda farsamo ee kahortaga, xakamaynta iyo daawaynta xanuunka Coronavirus ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Kulankan oo todobaadle ah ayaa saaka ka qabsoomay xaruunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Sidoo kale, wasiirka warbixiyay kaalinta iyo sida Wasaaraddu uga diyaar garowday ilaalinta caafimaadka ergada tirada badan ee ka qayb galaysa shirwaynaha Xisbiga Kulmiye. Sidoo kale, fariimo caafimaad u dirat ergooyinka shirwaynaha ka qayb galaysa.