Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in 3-qof Laga Helay Covid19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in baadhitaan la sameeyay 24-kii sacadood ee u danbeeyay cudurka Coronavirus lagga helay 3-qof.

Dadka la baadhay ayaa tiradoodu dhamayd 78-qof waxaana cudurka laga helay sadex qof oo laba ka mid ahi ay ku sugan yihiin gobolka Maroodi-jeex, halka qofka kalena uu ku sugan yahay gobolka Saaxil, dadkan ayaa dhamaantood u dhashay Somaliland.

Dadkan ayaa da’adoodu u dhaxaysaa 30-49, afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay ma jirto cid cusub oo cudurkan u dhimatay.

Tirada guud ee Soamliland laga baadhay cudurka Coronavirus ayaa ah afar kun shan boqol iyo koob iyo sagaashan (4591) qof, waxaana cudurka laga helay sideed boqol iyo sagaal iyo toban qof, halka tirada cudurka u dhimatayna ay dhan tahay 29-qof, dadka Karantiilka ku jira ayaa ah sadex qof oo kaliya.