MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Fardowsa Osman Egal ayaa magacowday guddiga ka talo bixinta dib u hawlgalinta Soomaali Airlines.
Dib u hawlgalinta Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona 30 sano ee u dambaysay ay hawlgab ahayd diyaaradu taas oo meesha ay ka saareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka Qarxay.
