Hargeysa – (warsoor)- Shirkan oo socday 2 maalmood ayaa waxa kasoo baxay warmurtiyeed soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA Kaas oo u dhignaa sidan:-
Shirwaynaha Sakada oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awgaafta oo Socday Mudo lae Cisho ah kana soo qayb galeen ku
dhawaad 500 oo qof oo ka kala yimid Gobalada dalka kana mid ahaayeen
Culumaaโudiinka dalka, Ganacsato, Ardayda Jaamacadaha iyo Xubno ka
socda Dawlada.
Shirkaas oo uu daahfuray Madaxwayne Ku xigeenka JSL Mudane
Abdirahmaan Abdilahi Ismail Saylaci waxaa lagu soo bandhigay
Cilmibaadhisyo guulaysatay ee diwaanka Sakada sida ay u maamuleen Wadamada
Islamaamku, iyo Caqabadaha ku xeeran iyo Xal u helidooda marka la
eego Somaliland iyo maamulka Sakada.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib Shirwaynaha Qaran ee Sakada waxaa
ka soo baxay war murtiyeedkan hoos ku xusan.
1. In Ururinta iyo Maamulka Sakadu
Bulshada, Amnige iyo baablโinta Saboolka
2. In ay muhiim tahay kor u qaadista wacyigalinta Bulshada ee la
xidhiidha Barashada Arimaha Sakada iyo Axkaamta la xidhidha
3. In Dawlada ay waajib ku tahay Nidaamta, Ururinta, Qaybinta iyo
Maamulka Sakadu
4. In la sameeyo Cilmibaadhis dheeraada iyadoo laga faaโidaysanayo
Tusaalooyinka guulaystay ee Wadamada Musliminta iyo Gudaha
Somaliland.
5. In kor loo qaado kalsoonida, Isku xidhnaanta Bulshada iyo Dawlada
ee ku aadan Maamulka iyo maaraynta Sakada
6. In laga shaqeeyo sidii loo samayn lahaa Siyaasad iyo Xeerar la
xidhidha maamulka Arimaha Sakada.
Ugu danbayn Shirwaynuhu waxa uu ugu baaqayaa Qaybaha kala duwan
ee Bulshada oo ay ku jiraan Culumadu in ay ka qayb qaataan Horumarinta
arimaha Sakada.